U bood dhigaalka

Shir Looga Hadlayo Maalgashiga Oo Ka Furmay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo maalgashiga, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socda wadamada geeska Africa waxaana diiradda lagu saari doonaa fursadaha maalgashi oo ka banana meelaha uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliland .

Jamaal Ceydiid Ibraahim oo ah guddoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliland  ayaa waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha shirkaan looga hadlayo iyo ajandiyaashiisa.

“Rugta ganacsiga warshadaha iyo beeraha Soomaaliland waxay marti galisay shir maalgashi oo ka dhici doona magaalada Hargeysa, shirka waxaan ugu magac darnay maalgashiga taabo galka ah  iyo xiriirka dhaqaale ee dunida wanaagsan“.

Jamaal ayaa waxa uu  sheegay in shirkaan looga golleeyahay  inay isugu yimaadaan  dowlado iyo hoggaamiyaasha ururada ganacsatada iyo daneeyaasha maalgashiga caalamiga ah iyo in la dhiso xiriir ganacsi oo joogto ah si kor loogu qaado koritaanka ganacsi ee gobolka.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa mowduucyo la xariira sidii loo dhisi lahaa xiriir ganacsi oo awood leh una dhaxeeya maamulka Soomaaliland, waddamada geeska Africa iyo ganacsatada caalamiga ah kuwaas oo daneynaya inay maalgashi ka sameystaan meelaha uu ka arrimiyo maamulka Soomaaliland.

Shirkaan ayaa waxa uu isku xiri doonaan qeybaha kala duwan ee ganacsiga,  waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha ganacsi ee banaan ,iyadoo ay kasoo qeybgali doonaan Rugaha ganacsi ee wadamada kala ah  Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia iyo South Africa.

Shirkaan ayaa waxaa lagu casuumay ganacsto ka socota qaar kamida wadamada caalamka sida Holland , Ingiriiska , Denmark, Kenya iyo Uganda.

Goobjoog News