U bood dhigaalka

Shir Maanta Muqdisho Uga Furmaya Dowladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana shirkaan uu yahay mid arrimo badan looga hadli doono.

Waxyaabaha diiradda lagu saarayo shirkaan waxaa kamid ah amniga, xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo sidoo kale shirka London ee looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo shir ay isugu imaanayaan dowladda cusub ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo iyo maamul goboleedyada dalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News