U bood dhigaalka

Shir Muqdisho Uga Furmay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Ee Dowladda Iyo Maamul Goboleedya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shirweyne wadatashi ah oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha Arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in shirkaan uu yahay mid muhiimad leh, islamarkaana looga tashan doono arrimo badan oo Federaalka ah.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in xoogga laga wada hadlayo dedejinta Federaalka, islamarkaana laga wada hadli doono sidii loo dedejin lahaa golaha deegaanka.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in loo baahan yahay  in haweenka kaalintooda laga siiyo goleyaasha deegaanka, isaga oo dhanka kalena maamulka Koonfur galbeed ugu baaqay iney dib u eegto arrinta ku aadan golaha deegaanka Xudur oo aan haween lagu soo darin.

Shirkaan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in Saddex cisho uu socdo, islamarkaana kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News