U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wasiirada Oo Looga Hadlay Amniga, Doorashooyinka Iyo Qodobo Kale

Sheeko:Dalka

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale.

Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iyadoo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay arbush ku sameeyeen ciidanka oo marayey Balidoogle, hase yeeshee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aadan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga ciidanka. Guddi ka kooban 25 ayaa daraasadan ka soo sameeyey gobollada dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka. Daraasadan ayaa lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland. Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsanyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka. Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah.

Wasiirka Shaqada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Adeega Rayidka ah oo usbuuca danbe loo ballamay si looga doodo oo loo ansaxiyo.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka koobnaa 19ka xubnood oo ka kala yimid dhammaan gobollada ay soo gaartay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixaan, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi (interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan.

—DHAMMAAD—-