U bood dhigaalka

 Shirkad Turki Ah Oo Qad Tareen Oo Casri Ah Ka Dhiseysa Bariga Afrika.

Shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Yapi Merkezi ayaa war-saxaafadeed ku shaacisay in Bariga Afrika ay ka dhiseyso qad tareen oo casri ah. Waxaana la filayaa in qadkaas uu isku xiro wadamo dhowr ah oo ay kamidyihiin Uganda, Rwanda, Jamhuuriyadda Demoqraadiga Congo iyo Tanzania.

Yapi Merkezi oo ah shirkad xarunteedu ay tahay Istanbul ayaa intaa kusii dartay in xafladdii furitaanka bilawga mashruucan lagu qabtay 12’kii April magaalada Darusalam ee dalka Tanzania oo kamid ah wadamada qadkaas tareen uu mari doono.

Wajiga koobaad ee mashruucan ayaa isku-xiri doono magaalooyinka Darusalam iyo Moroco oo ay u dhaxeyso masaafo gaareysa 205km. Waxaana shirkadda ay intaasi kusii dartay in tareenada ku safraya qadkaas u dhaxeeya Darusalam iyo Moroco  ay saacaddiiba goyn karaan masaafo dhan 160km.

Dalka Tanzania oo kamid ah dalalka Afrika ee ugu horreeya dhanka dalxiiska ayaa arrintan waxa ay u suuragelineysaa in ay soo jiitaan indhaha dalxiisayaal badan. Waxuuna mashruucan u suuragelinayaa in dalxiisayaasha ay si sahlan ku yimaadaan dalkaas, iyada oo ay xusid mudantahay in kaabayaasha dhaqaalaha iyo waddooyinka ay kamid ahaayeen caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Tanzania.

Shirkadda  Yapi Merkezi ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in mashruucan ay ku bixi doono lacag dhan $1.1 bilyan. Waxaana dhismaha kala qeyb qaadanaya shirkad lagu magacaabo Mota-Engil  oo laga leeyahay dalka Portugal.

Goobjoog News