U bood dhigaalka

Shirkadda AeroMobile Oo Soosaareyso Gawaari Sida Diyaaradda Camal U Duulaya

Shirkadda AeroMobile  ayaa waxay sheegtay inay soo saartay gaari nooca diyaaradda camal ah,kaasi oo leh batari  qafiif ah kaasi oo u suuro galinayo inuu duulo marka uu soo gaaro wado ama meel cariiri ah.

Shirkadda ayaa waxay sheegtay in gaari la heli karo xilli walba sanadkaan, balse waxa ay sheegtay inuu aad qaali u yahay gaarigaan kaasi oo qiimahiisa uu gaarayo lacag dhan 1.6 malyan qofka darawalka ayaa gaarigaan duuli siin karo xilliga uu doono.

Xawaaraha gaarigaan ayaa waxa uu gaarayaa ku dhawaad 100 km waxa uuna jaraa hakii saac marka uu duulo masaafo dhan 160, inta kilo mitir uu dhanka cirka uu ku duuli karo waxaa waaye 750 kiiloo mitri,gaarigaan ayaa waxa uu qaadanayaa inta loo badalayo diiyarad daqiiqado dhan saddex daqiiqad.

Shirkadda Iromobil ayaa waxay ka midtahay shirkadaha ku dadaalayo inay soo saaraan baabuurta duuleyso sida diyaaradaha camal waxayna doonaysaa inay soo saarto 500 oo gaari oo u shaqeeya habka diyaaradaha oo kale.

Goobjoog News