U bood dhigaalka

Shirkadda Apple Oo Caqabado Kala Kulmeysa Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid fulinaya qaar ka mid ah ballan qaadyadiisa, kaasi oo ku saabasan  in shirkadda Telefoonnada Apple ee Mareykanka laga leeyahay ee dalka gudahiisa ku sameyso telefoonnada, iyada oo aan la aadeyn Shiinaha  ama dowlado kale.

In shairkadda ay talefoonnada ku sameyso gudaha Mareykanka waxay ku qaadanaysaa qarashaad badan, mana doonayo madaxweyne Trump in uu shirkadda u muujiyo wax taageero ah si ay uga baaqsato qasaaro soo gaara.

Shirkadda Apple ayaa waxay la macaamishaa ku dhawaad 200 oo shirkadood kuwaas oo ku yaallo daafaha caalamka, waxaana ka mida shirkadahaas :

-Samsung oo sameysa qeybaha kala duwan ee shaashadaha Mobeylada, iyo shirkadda sameysa batariyada mobeylada taas oo ku taallo shiinaha .

Shirkadda Apple ayaa hadda waxaa ka shaqeeya dad gaaraya 80 kun oo qof waxayna ku suganyihiin gudaha Mareykanka, sidoo shirkadda ayaa hadda waxay qorsheeneysaa in mustaqbalka ay shaaleyso kumaan kale.

Warar ay warbaahinta faafisay ayaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay ka faa’idesteen dhanka sameynta telefoonnada Smartiga ah, kuwaas oo qiimo jaban looga sameeyo Shiinaha gudahiisa.

Goobjoog News,