U bood dhigaalka

Shirkadda MTN Oo Bixisay Qeyb Ka mid Ah Lacag Ganaax Ah Oo Dowladda Nigeria Ay Dul Saartay

Shirkadda isgaarsiinta caanka ah ee laga leeyahay dalka Koofur Afrika, MTN, ayaa bixisay ku dhawaad $100 milyan oo ka mid ah $1.7 bilyan oo ganaax ah oo ay ku soo rogtay dowladda dalka Nigeria.

October 2015 ayey ahayd markii dowladda Nigeria ay ganaax lacageed oo gaaraya $5.2 bilyan, kadib markii shirkadda MTN ay ka dhaga-adeegtay in ay hawada ka saarto 5.1 milyan oo taleefon (sim card) oo aan u diiwaangeshaneyn dowladda Nigeria.

Dowladda Nigeria ayaa aaminsaneyd in sim-kaaradaas ay adeegsanayeen Boko Haram. Si kastaba ha ahaatee MTN ayaa ku guul dareysatay in ay fuliso amarkii dowladda ee ahaa in ay hawada ka saarto simikaaradaas.

December 2015 dowladda Nigeria ayaa yareysay lacagtii ganaaxa ahayd waxaana laga dhigay $3.4 bilyan, halka bishii Juun ee sanadkii horena lacagta ganaaxa ah hoos loo sii dhigay oo la gaarsiiyay illaa iyo $1.7 bilyan oo u dhiganta 330 bilyan oo Lira ah.

Afhayeen u hadlay Waaxda Warfaafinta Dowladda Nigeria ayaa  sheegay  in shirkadda MTN ay bixisay 30 bilyan oo Lira oo u dhiganta $98 milyan oo doollar.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in shirkadda MTN ay horay u bixisay 80 bilyan oo Liiraha Nigeria ah.

War kasoo baxay shirkadda MTN ayaa sidoo kale xaqiijinaya in shirkadda ay bixisay qeyb kamid ah lacagtii ganaaxa ahayd ee dul saarneed shirkadda,  balse wax faafaahin ah oo intaasi dheer kama bixin shirkadda.