U bood dhigaalka

Shirkadda SnapChat oo Xereysa Xisaabta Aljazeera Ee Dalka Sacuudiga

Dowladda Sacuudiga ayaa shirkadda Snap Chat ka dalbatay in xisaabta taleefishinka Aljazeera uu ku leeyahay barta Snap-chat aanu ka shaqeyn gudaha dalka Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxa ay dalabkeeda kusii dartay in teleefishinkaasi Aljazeera uu hareer marsanyahay sharciyada iyo nidaamka u yaalla dalka Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay shirkadda Snapchat ayaa xaqiijiyay arrintaasi waxaana uu sheegay in shirkadda ay u hogaansameyso sharuucda u dagan wadamada sidaa darteedna ay tixgelinayaan dalabka Sacuudiga.

“Waxaan aad ugu dadaalnaa in aan u hogaansanno shuruucda dalalka aan ka howlgalno” ayuu yiri afhayeenka oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ee Reuters.

Aljazeera waa taleefishin ay maalgeliso dowladda Qatar, dowladda Sacuudiga ayaa sanadahii ugu dambeeyayba ku dadaaleysay sidii ay ku xeri laheyd taleefishinkaas.

Xulufo uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar sanadkan gudahiisa iyagoo dowladda Qatar hoos dhigay shuruudo ay kamid tahay in ay xerto Aljazeera si ay cuno-qabateynta uga qaadaan. Balse dowladda Qatar ayaa ka biyo diiday arrintaaas.

Jaraaidka the Wall Street Journal ayaa maalinimadii shalay aheyd shaaciyay in shirkadda Snap ay ka saareyso xisaabta Aljazeera qeybta dalka Sacuudiga, taas oo ay micnaheedu tahay in xisaabta Aljazeera ee barta Snap-Chat ee dalalka kale aanu waxba iska badali doonin.