U bood dhigaalka

Shirkadda Trucaller oo Google Heshiis la gashay

Waxay sheegtay shirkadda  Turucaller inay heshiis la galayso shirkadda Google, si loo hormariyo wadahadallada muuqaalada ah, waxayna ka dhigantahay tallaabo lagu hormarinaayo qaababaka ay macaamiisha ay u wada xiriir lahaayeen kuwaas oo ku dhaqan daafaha caalamka.

Shirkadda Trucaller ayaa waxay sheegtay in adeegaan uu ku shaqeyn doono habka loo yaqaano Andro, si uu u siiyo astaamo cusub, adeegga Turcaller ayaa waxa uu qaban doonan in dadka ay isku diraan fariimo gaagaaban, sidoo kale waxa uu sheegayaan qofka  fariinta kuu soo diray magaciisa .

Adeeggaan ayaa waxa uu sidoo kale uu kuu sheegayaa farrimaha diyaarsan oo aad doonaysid inaad u dirto macaamiisha.

Goobjoog News