U bood dhigaalka

Shirkadda Twitter Oo Si Rasmi Ah U Kordhisay Tirada Xarfaha

Shirkadda Twitter ayaa Talaadadii si rasmi ah ugu dhawaaqday in tirada xarfaha loo adeegsado gudaha barta laga dhigay 280 xaraf, kadib markii lagu guuleystay tijaabooyinkii shirkadda ee labadii bilood ee ugu dambeeyay socday.

Bayaan ay shabakaddu soo saartay ayaa lagu yiri: “Waan kordhineynaa tirada xarfaha. Waxaan dooneynaa iney dadka oo dhani ra’yigooda si wanagsan u cabiraan, si sidii hore ka sahlan kana fudud.”

Si kastaba, shirkadda Twitter ayaa dhex bartamihii September bilowday tijaabooyin lagu kordhinayo tirada xarfaha loo adeegsan karo barta gudaha barta oo la gaarsiinayo 280, halka markii hore ay ka ahayd 140 xaraf oo qura.

Goobjoog News