U bood dhigaalka

Shirkadda Yahoo: 3 Bilyan oo E-mail ayaa la Jabsaday 2013

Shirkadda Yahoo ayaa daaha ka rogta sir ay muddo dheer qarineysay oo ku saaabsan e-maillo laga jabsaday barta oo lagala baxay wixii macluumaad muhiim ah ee ku jiray.

Shirkadda ayaa maalinimadii shalay ee Talaadada shaacisay in 3 billion oo ka mid ah xisaabadka E-mailka ah ee macaamiisheeda la jabsaday oo tuugada computerada jabsataa ah heshay macaluumaadkooda sanadkii 2013, arrintan ayaa ka badan tiradii ay horey shirkaddu u shaacisay.

Tiradan ayaa ka dhigan in qof kasta oo barta Yahoo uu e-mail ku lahaa laga jabsaday, wixii macluumaad ah ee muhiim ah oo ku jirayna lagala baxay, sida cinwaanno guryo, number taleefoon, taariikhda dhalashada, August, 2013.

Shirkadda Verizon ee isgaarsiinta Mareykanka oo iibsatay Yahoo xilli sii horreysay oo sanadkan ah, ayaa  bayaan ay soo saartay ku sheegtay: “Dhamaan xisaabaadkii e-mailka ka furnaa ee bartay markii la jabsaday August, 2013 waxaa dhici karta in arrintu ay cid kasta saameysay.”

Shirkaddu wax faahfaahin ah kama aaney bixin cidda jabsatay barta Yahoo, oo dadbadani ay xisaabaad e-mail ah ay uga furnaayeen.