U bood dhigaalka

Shirkado Boostada ah Oo Diiday In Ay Qaadaan Galaksi Note 7 ee Shirkadda Sumsung

Sida ay qortay Jariidda the Sun ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, shirkado Boosto oo laga leeyahay dalkaas ayaa diiday in ay qaadaan Mobilada Sumsung gaar ahaan Galaksi Note 7, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay qarxayaan am uu holac ka kacayo.

Shirkadaha Royal Mail iyo Pacil Fores ayaa diiday in ay qaadaan Galaksi Note 7 ee shirkadda Sumsug sidaa waxaa qoray jariidda the sun.

Jariidadda waxaa ay sidoo kale qortay in ay jiraan warar sheegaya in Boostooyin kale oo 6 gaaraya ay diideen in ay qaataan dhamaan Mbillada Sumsung iyagoo sheegay in ay ka cabsi qabaan qarax iyo waxyaabo la mid ah.