U bood dhigaalka

Sidee Loo Heli Karaa Garsoor Cadaalad Ah?

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay ka shaqeyn doonto hagaajinta  Arimaha garsoorka  si dadkuna ay u helaan Cadaalad ay ku kalsoonyihiin.

Dadku inta badan waxa ay ka cawdaan in meelaha qaar ay kajirto Cadaalad daro, sida Xabsiyada, Maxkamadaha iyo xarumaha qaar ee dowladda.

Hadaba Goobjoog News ayaa waxay aragti uruurin ka sameysay qaar kamid ah shacabka Muqdisho oo ka hadlaya sida lagheli karo garsoor cadaalad ah.

“Cadaaladda waxay ku imaaneysaa in loo laabto Kitaabka Alle waa marka Koowaad, marka Labaadna in xarumaha dowladda la geeyo dad daacad ah oo aqoon u leh arrimaha cadaaladda” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabka Muqdisho.

“Cadaaladda Soomaaliya maanta ka jirta ma ahan middii loo baahnaa oo wadankaan lagu hoggaamin lahaa oo umaddu isku aamini lahayd isugu imaan lahayd ma ahan, shacab haddaan nahay waxaan u jeednaa dhibaatada ka dhextaagan umadda Soomaaliyeed, waayeelada maalin walbo cabaadaya, lacag laga qaadanaya, hortaagan maxkamadahan, marka dowladda waa iney soo celisaa kalsoonida meeshana laga saaro waxyaabaha been abuurka ah” sidaasina waxaa Goobjoog u sheegay qof kale oo shacabka Muqdisho kamid ah.

Shuceyb Yuusuf C/laahi: Waxaan qabaa in dhanka cadaaladda ay aad u hooseyso, kiisaska ugu badan aan aragno waa in shaqsiyaad aan maxkamad la saarin xabsi la iska geeyo, waxaan aaminsanahay in cadaaladda ay joogto meel aad u hooseysa, waxaan aaminsanahay in cadaaladda lagu heli karo in dowladda ay isbedal weyn ku sameyso Garsoorka, la geeyo dad aqoon iyo xirfadba u leh Garsoorka.

Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa iney fuliso balanqaadkeeda ah iney isbedal ku sameyso dhanka cadaaladda, shacabkana lagu dhaqo garsoor cadaalad ah.

Goobjoog News