U bood dhigaalka

Sidee Looga Gudbi Karaa Abaarta Dalka Ka Jirta?

Sheeko:Dalka

Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen sida ugu haboon ee xilligaan looga gudbi karo abaarta dalka ka jirta.

Dhallinyaradan oo la hadlay Goobjoog, ayaa qof walbo waxa uu dhiibtey aragtidiisa ku aaddan sida looga samatabixi karo abaarta iyo sidoo kale qaabka loo wajahayo dadka hadda abaartu saameysay.

C/manaan Xuseen Ibraahim: Waxaan kamid ah ardayda wax ka barata jaamacada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa looga bixi karaa abaarahan dalka saameeyey in marka hore Ilaahay loo noqdo, laga soo noqdo macaasida, marka xigana waxaa looga bixi karaa abaaraha in shacabka Soomaaliyeed ay dal iyo dibadba gacmaha is qabsadaan oo ay is taakuleeyaan, Soomaalida dhan waa dad walaalo ah, waa dad abti iyo Adeer isku ah, iney isku gargaaraan ayaa looga bixi karaa.

Maxamed Axmed Dhaqane: Waxaan is leeyahay abaarta waxaa looga bixi karaa umaddii oo isku tashato, iskuullada, jaamacadaha iyo ardayda oo dhan lacag isku qoraan, waxna loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaarta ayaan is dhihi karaa waa looga baxayaa abaartan dalka ku habsatay.

Mahad C/qaadir Nuur: Aniga waxaan kamid ahay ardayda ku sugan magaalada Muqdisho, waxaan dadkeenna ku caawin karnaa Alle bari, waan ogeyn meeshii aan shalay joognay iyo meesha aan maanta joogno, waxaan umadda ku badbaadin karnaa inaan sameynno Alle bari una geynno wixii tabarteenna ah.

Shariif Xasan Ibraahim Xaydar: Dadkaan abaarahan Ilaahay baa u keennay, annaga kama samatabixin karno, illaa Alle fadligiisa mooyee, waxaan Allah uga baryeenaa inuu noo keeno roob dherag leh, caafimaad leh, oo barwaaqo iyo bash bash leh inuu nasiiyo.

C/laahi Ciise Colaad: Waxaan is leeyahay abaarahan waxaa looga bixi karaa il ilaahay la adeeco, kasoo baxno waajibaadka na saaran, haddii aan ilaahay ku caasinno waxaa suuragal ah in abaarta intaan kasii badato, ciqaabka intaan kasii bato, dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney Allah adeecaan, waajibaadkii uu farayna ay kasoo baxaan.

Guud ahaan dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, waxaana shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan inta ka badbaadday abaartan laga sugayaa iney garab qabtaan walaalahooda dhibaateysan.

Goobjoog News