U bood dhigaalka

Sidee Qof Kale Ugu Oglaan Kartaa Inuu Furto Gmail-kaaga Adigoon Aan Siin Password

Mararka qaar qofku waxa uu u baahan yahay inuu dadka qaar u ogalaado iney E-mail-kiisa gaarka ah isticmaalaan si ay document gaar ah ay ugala baxaan, laakiin mushkiladda ayaa ah iney adag tahay inaad Password kaaga siiso, taas oo ay dhici karto inaad isla Password kaa u istcmaasho baro kale oo muhiim kuu ah.

Hadaba, shirkadda Google ayaa soo saartay hab cusub oo kuu ogalaanaya iney dadku gmailkaaga kula isticmaalaan adigoon password kaaga siin.

Habkan cusub ayaa qofka u suurtogelinayo inuu E-mailkaaga uu furto isagoon wax password ah kaaga baahan, waxaana la yiraahdaa ‘Gmail Delegates‘ oo ciddii aad doonto aad ku casuumi karto gmailkaaga gaarka ah, dad gaaraya 10 qof oo e-mail gaar ah leh iyo 25 qof oo gmailka shaqo wadaagga ah aad la adeegsan karto.

Dadkan aad ku casuumayso E-mailkaaga gaarka ah, waxaa u suurtogalaysa iney farriimaha akhriyaan, ka dhex diraan, farriimaha qaarna ay masixi karaan, laakiin edit kuma sameyn karaan password ka ma bedeli karaan.

Qaabka loo howlgalayo

Gmail-kaaga furo oo gal sida aad ku arkayso sawirka hoose