U bood dhigaalka

Sideed Ku Noqon Kartaa Qof Leh Xirfadda Hal Abuur

Sheeko:War

Dr. Maxamed ayaa buuggiisan waxa uu uga hadlay sida looga soo saaro dadka hibada hal-abuurka ah, waxaa jira dad badan oo hal-abuurkooda uga gaabiya cabsi ay ka qabaan mustaqbalka xaaladda ay ku jiraan ayayna isku dhiibayaan, waxayna illoobayaan waaqica ah si kasto waxa aad ganacta ku haysaa uu munaasab u yahay waxaa jira wax ka fiican oo uu mustaqbalku wado.

Hadaba Waxyaabaha looga baahan yahay fikirka Hal-abuurka oo kooban:-

1 – Waligaa ha dareemin inaad tahay qof aan hal-abuur lahayn, hal-abuurku wax lakala dhaxlo maaha, qof kastaana waxa uu awoodaa inuu horumariyo awooddiisa Hal-abuurnimo haddii uu dareemo oo uu fahmo xaqiiqda hal-abuurku waxa uu yahay.

2 – Qofka hal-abuurka leh waa shakhsi jecel wax akhriska waana qof raadiya wax ka maqan, waxa uu akhriyaa waxa uu arko, wixii caqligiisa gali waaya ayuu dood ka keenaa waxyaabo cusub ayuu tijaabiyaa, waxa uu isku dayaa tijaabada hibooyin badan.

3 – Qofka hal-abuurka leh wax aan la garaneyn kama baqo inuu aqbalo, waxa uuna raadiyaa oo  baaraa waxyaabaha aan la garaneyn, waxuuna dareemaa in waxyaabo wanaagsan oo sugayaana uu jiro. Waxa uuna fishaa xilli kasta mustaqbal ifaaya oo aad u wanaagsan.

4 – Xilli kasta waxay baadi goobaan dadka hal-abuurka leh waxyaabo cusub, mar kasta waxay ka fikiraan waxyaabo cusub iyagoo caqligooda kasii qiimeeya natiijada la filan karo, waa arrinta ugu muhiimsan ee qofka hal-abuurka leh, waxaana u kala saaran waxyaabaha sare iyo kuwa kale ee meelaha hoose u horseedaya.

5 – Dhibaatooyin kasta oo soo wajaha kama daalaan iney heersare gaaraan hal-abuurnimadoodana ay sii wataan, waa haddii uu qofku aaminsan yahay in hal-abuurnimada iyo cusbooneysiintu ay aasaas u tahay guulaha gaarka ah iyo tan mihnadaada ee shakhsiga.

6 – Marnaba haka baadin yoolka aad hiigsaneyso bedel wadiiqada aad raacayso laakiin ha bedelin hadafkaaga aad hiigsaneyso.

7 – Yoolkaaga  ka dhigo inaad ka shaqeyso sidii aad ku gaari lahayd hadafkaaga ugu muhiimsan ha ku mashquulin waxyaabo kale oo meelaha hoose ah. Xilliyo gaar ah naftaada sii oo naso, xilliyada qaar ayay kalinimadu wanaagsan tahay, teendhadaada gaarka ah sameyso si aad u fakarto xilliyada aad caqabado dareento amaba xilliga isbedelku lagama maarmaanka yahay, wax ka muhiimsan dunida ma jirto in la gaaro xilligii aad fulin lahayd fikir gaar ah oo aad in muddo ah haysay.

8 – Waxaan u baahannahay isbedel mustaqbalka ma sameyn  karno illaa hadda aan bilowno mooyaane. Xilliyada qaar dabacsanaantu waa waji kale oo ra’yi sugnaan la’aantu leedahay, labo-labayntuna waxba ma kala goyso oo go’aan maaha, waxyaabihii hore waxba kama bedeli karto, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inaan go’aan yeelato aragtidaaduna ay caddato.

9 – Waajibaadka nolosheenna inaga saran ee lama taabtaanka ah waa inaan nafteenna u sameynno  duruufta ugu habboon ee noo suurtogalineysa inaan gaarno guulaha ugu waaweyn ee ina horyaalla nolosheenna.

10 – Ma jiro wax la yiraahdo moolka fashilka iyo buurta lama galaay, laakiin waxaa jira caqli aan leenahay oo naga ilaalin kara inaan ku dhacno moolka fashilka ama quusta, waxaana gaari karnaa waxa ugu sarreeya ee ugu macquulsan.

Goobjoog News,