U bood dhigaalka

Siilaanyo Iyo Galeyr Oo Ku Kulmay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ku kulmay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Waqooyi Galbeed, halkaasi oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa ahaa  mid diiradda lagu saarayey sidii loo miro dhalin lahaa wada hadalka u socda Khaatumo iyo Somaliland, loona fulin lahaa qodob walbo oo lagu heshiiyo.

Galeyr oo saxaafadda si kooban kula hadlay magaalada Hargeysa kulanka kadib wuxuu sheegay in waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo Siilaanyo ay kamid tahay sidii nabad loogu wada noolaan lahaa Labada dhinac iyo sidoo kale in gobollada Khaatumo ay helaan gurmadka gargaarka ah.

“Annaga wax kale kama aanu hadal, waxaan isla garannay in lasoo xoojiyo wadahadallada, la amba qaado in nabad lagu wada noolaado, in laga dhabeeyo wixii lagu heshiiyey iyo arrimo kale oo isla nabadda iyo wada noolaanshiyaha ku saabsan” ayuu yiri Madaxweyne Galeyr.

Dhanka kale Cali Khaliif ayaa soo hadal qaaday safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin, wuxuuna ku sheegay in kaliya halkaasi u tagay sidii uu Nairobi uga sii aadi lahaa, kadib markii ay u suurtageli weysay in diyaarad ay ugu timaado Buuhoodle.

“Maadaama Hargeysa ay tahay magaalo weyn waxaan go’aansaday inaan safarkayga kasii dhameystirto oo aan aado Nairobi, waxaa uu suurtageli waayay diyaarad iigu imaan lahayd Buuhoodle” ayuu hadalkiisa raaciyey madaxweynaha Khaatumo.

Somaliland iyo Khaatumo waxaa u socda wadahadal, waxaana martigelineysa wada hadalka Labada dhinac dowladda Jabuuti.

Goobjoog News