U bood dhigaalka

Siilaanyo Oo Xilliga Kala-guurka Maamulkiisa Uga Digay Musuqa Iyo Boobka Hantida Qaranka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Somaliland Maxamed Maxamud Siilaanyo oo xafiiskiisa kula hadlayey hey’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqa, hanti-dhowrka guud iyo xeer-ilaaliyaha ayaa ka digay in xilliga kala guurka lagu kaco arrimo ay ka mid yihiin boobka hantida qaranka.

Siilaanyo waxaa uu mas’uuliyiintaasi ku adkeeyay in ay si joogta ah u soo gudbiyaan warbixinno la xiriira heerka Musuqa ee maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka Somaliland waxaa uu ugu dambeyntii ballan-qaaday in uu ciqaabi doono, sharcigana la hor-geyn doono ciddii lagu helo musuq iyo wax isadaba mareyn.

Maamulka Somaliland ayaa galaya doorashooyin guud, waxaana lagu wadaa in axsaabta ay ku mashquulaan arrimaha dooarshada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada