U bood dhigaalka

SISI: Masar Lama Dagaaleyso Walaalaheed Suudaan Iyo Masar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattah El-Sisi ayaa sheegay in wadankiisa uusan dagaal la galeynin dowladaha Suudaan iyo Itoobiya xilli ay jiraan khilaafyo u dhaxeeya labad dal oo ku saabsan arrinta qoondada iyo adeegsiga biyaha wabiga Niil.

Abdel Fattah el-Sisi oo ka hadlayey telefishinka ayaa yiri “ Masar mala dagaaleyso walaalaheed waxaan idiin xaqiijinaa taas hadaad tihiin Misriyiin, waxaan ku leeyahay walaalaha Suudaan iyo Itoobiya Masar mafaro gashaneyso arrimaha qof”.

Hadalkaan ayaa waxaa lagu tiriyaa kii ugu horreeyay oo Cabdel Fattah el-Sisi uu jeediyo ka dib markii ay xoojisay Suudaan ciidamana ay geysay xaduuda bari ay laleedahay Eritrea, ka dib markii ay sheegtay in halkaasi ay ku hayaan qal-qal Masar iyo Eritarea.

Dadka reer Masar ayaa waxay ka baqayaan inuu saameeyo biyo xireenka ay dhiseyo Itoobiya taasi oo keeni karta in ay yaraadaan biyaha gaara Masar oo ah dalka sida weyn ugu tiirsan biyaha wabiga Niil.

Masar ayaa sidoo kale Khilaaf waxaa uu kala dhaxeeyaa dalka Suudaan kaasi oo ku saabsan xaduuda Xala’ib oo ku taallo badda cas waana meel hodan ku ah macdanta, labada dal ayaa mid kasta waxaa uu sheegtaa inuu isga uu leeyahay balse hadda waxaa maamula dowladda Masar.

Goobjoog News