U bood dhigaalka

Siyaabo Cusub Oo Lagu Yareyn Karo Sokorta

Sheeko:Caafimaadka

Culumada caafimaadku waxay inbadan ka digeen dhibaatooyinka xooggan ee ka dhasha isticalaamka tirada badan ee sokorta oo laga qaado buurni iyo cudurro kale oo sokorow-gu ka mid yahay , laakiin arrintu intaa kuma eka sokortu waxy keentaa xanuunada maskaxda qaarkood oo Depression-ku ka mid yahay.

Cilmibaaris ay  sameeyeen culumo ka tirsan jaamcadda London ayaa lagu sheegay in dadka isticmaala sokor tiro badan ay khatar ugu jiraan xanuunada  maskaxda ku dhaca ee niyad jabka ama Depression ugu horreeyo.

Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 8 kun oo qof oo qaangaar ah, da’doodun ay  ka weyn tahay 22 sano, waa  sida lagu soo daabacay wargeyska Carter Media.

Waxaa daraasaddan lagu ogaaday in dadka sokorta isticmaala 67 Gr maalintii, ay 23% ay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco Depression muddo 5 sano ah gudahood.

Isticmaalka sokorta ah maalintii 67 Gr, ayaa loo aqoonsan yahay heer aad uga sarreeya intii la rabayna uuna ku labo jibaarmo heerka caadiga ah ee la rabo waana sida ay ku talineyso waaxda faya dhorka caafimaadka Mareykanka ee cudurrada wadnaha.

Daraasaddan ayaa sii adkeynaysa heerka khatarta sokortu ay leedahay marka si xad dhaaf ah loo isticmaalo, haddii aad iska dayso ama aad iska yareyso waxba kuguma seegayaan.