U bood dhigaalka

Siyaasadaha Faafreebka Facebook, Shaqaale Kastaa Waxa uu u Xilsaaran Yahay Ilaalinta Rubuc Milyan Qof

Siyaasadaha faafreebka Facebook uu ku shaqooyo ayaa shaqaale kasta oo ka hawlgal faafreebka waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta illaa rubuc milyan qof oo laga doonayo waxyaabaha uu soo dhigo in muddo 10 ilbiriqsi ah go’aan looga qaato in barta laga saaro amaba loo ogolaado inuu kusii jiro.

Jadiirada la yiraahdo The Guardian ee kasoo baxda dalka Ingiriirska ayaa daabacday faylal sir ah oo ku aaddan siyaasadaha faafreebka barta Facebook, gaar ahaa waxyaabaha ku saabsan argagixisada, cunsuriyadda, jinsiga iyo nacaybka, documentgan ayaa waxaa ku qornaa kaalinta dadka shaqaalaha u xilsaaran faafreebka oo isha ku haya ku dhawaad rubuc dadka dunida ku dhaqan, sida ay sheegayso shaxaha laga helay barta Facebook.

Dadka faafreebka u xilsaan oo tiradoodu gaareyso 4,500 oo qof ayaa inta badan 10 ilbiriqsi oo kaliya go’aanka ku gaara in waxyaabaha lasoo bandhigay ay barta ka saaraaan iyo in kale, dad tiradadooda lagu qiyaasay 1.9 bilyan oo ah dadka sida caadiga ah u isticmaala barta Facebook, 4500 ayaana u xilsaanay iney faafreeb ku sameeyaan waxyaabaha khilaafsan siyaasadaha Facebook.

Jariidada The Guardian ayaa tilmaantay iney daraasad ku sameeyeen illaa 100 document oo ku saabsan qawaaniinta Fecebook ee faafreebka oo aan ogoleyn waxyaabaha dhiirigelinaya cunfiga, hanjabaadaha iyo dhibaatooyinka dadka kale loo geysto.

Tirada dadka shaqaalaha ah ee hadda faafreebka ka howlgala waxay ka dhigan tahay in illaa nubuc milyan kasta uu ilaalinayo Hal qof oo kaliya arrintaas oo ka dhigan in ilaalintu ay tahay mid adag oo mugdibadani ku jiro isla markaana aan la ogeyn sida Hal-qof oo kaliya ay ugu suurtogaleyso inuu ilaaliyo illaa 250 kun oo qof oo mid kastaaba uu 10 warbixin ka badan soo galin karo bartiisa maalin kasta

Goobjoog News