U bood dhigaalka

Siyaasi Axmed Shire “Sii Deyntii C/raxmaan Cabdi Shakuur Waxay Ka Dhigan Tahay Dib Usoo Celinta Dowladnimadii”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Axmed Shire oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in sii deyntii maxkamadda gobolka Banaadir ee C/raxmaan Cabdi Shakuur ay ka dhigan tahay cadaaladdii oo dib usoo noolaatay.

Wuxuu sheegay in go’aankaan uu dad badan tusay in dib usoo noqotay qarannimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, maadaama uu tilmaamay in lasoo daayey cid aan dambi lahayn.

Siyaasigan ayaa dhanka kale sheegay in qaabka loo soo xiray C/raxmaan C/shakuur ay lamid tahay nidaamyadii dowladdii Milatariga ahayd ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, isaga oo ka digey in la weeraro siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda Federaalka.

“Xilligii dowladii Maxamed Siyaad Barre waxyaabihii laga bartay waxaa kamid ahaa kan waa kacaan diid oo la toogan jirey ciddii falkaasi lagu helo, hadda waxaad moodaa iney soo laabaneyso in ciddii dowladda dhaliisha la leeyahay waa qaran dumis oo guryaha loogu daadanayo laguna leynayo, dowladdii Milatariga ahayd ee gacanta adkeyd waxbo ma aanay yeeli jirin maatada ku nool hoyga ay siyaasiyiinta ku weeraraan, balse kuwaan waxaas ma qoraan oo waad aragtaan ciidankii xoogga dalka ayeey laayeen” ayuu yiri siyaasi Axmed Shire.

Ugu dambeyn, siyaasigan ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya in la joojiyo weerarada iyo hanjabaadda lagu hayo siyaasiyiinta dhalliilsan hannaanka shaqo ee dowladda.

Goobjoog News