U bood dhigaalka

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Oo Dhaliilay Dowladda, Kana Hadlay Sida Loo Xiray

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdiashakur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa dhaliilay sida ciidamada dowladda u soo weerareen oo ay ilaaladiisa u laayeen.

“ Halkani waa halkii la igu soo weeraray , dowladda ciidan ka socda gaar ahaan NISA oo ay nagu soo qaadeen, weerar habeen saqdhexe ah iyada oo aan la socon wax horudhac ah albaabka ayey nagu soo jabiyeen, waxaa ugu horreeyay oo ay qabteen waxay aheyd in ay laayeen ilaaladii oo markaas kala daadsan oo aan diyaarsaneyn,  kuligoo waa ay dileen…..  Sidaas daraadeed waxaan halkaani ka cadeyneynaa in nagula soo qaaday weerar la doonayey in nalagu qaarijiyo  mas’uuliyadda weerarkaas waxaa iska leh maxamed cabdullahi farmaajo”

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakur oo sii hadlaya waxaa uu intaasi ku daray in uu la kulmay ehalada ilaaladii la laayey iyaga oo aad ula yaaban sida dadkooda loo laayey isla markaana dhaqid iyo salad loo diiday hal god lagu wada shubay.

Siyaasiga waxaa uu sheegay in arrinta lagu laayey ay tahay fatwo ay culimada ka dambeeyeen maadaama ay wadeen olole isaga ka dhan ah isaga oo intaasi raaciyay in masaajidyada ka sheegaan oo sababeeyaan oo sax ka dhigaan wixii la iigula kacay.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Warsame waxaa uu aad u dhaliilay in lagu bartilmameedsado ra’yigiisa “Hub ma heysanno, dhufeysyo kuma jirno, dad la yaqaano ayaa nahay, oo siyaasadda dalkan ka soo shaqeeyay, kaalimo waaweyn ka soo qabtay, dib u heshiisiinta dalkan wax ka keenay ..waa nala yaqaana, doorashada ka qeybgalay, Farmaajo ninka uu codkiisa weydiisto ayaan ahaa wareegga 2aad, codka iga baryey, magaaladan ayaan joogaa, xisbi ayaan guddoomiye u ahay, nin la yaqaano ayaan ahay, ma hubeysni, dagaal kuma jiri,  haddii marka codkeyga iyo dhaliisha aan u jeedinaayo dowladda ay dhibtay Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa laga rabaa dastuurka in baa’biyo, waxaa laga rabaa in dimoqoraadiyaddii lagu soo heshiiyay baa’biyo, dalkan u celiyo 90kii wixii ka horeeyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa todobaadkii hore lagu xiray Muqdisho isaga oo goor habeen ah loo dhacay hoygiisa, waxaana la soo daayey kadib markii maxkamadda gobolka Banaadir ku weysay wax dambi ah.

Goobjoog News