U bood dhigaalka

20 Carruur Ah Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Baraawe, Sh/hoose

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay degmadaasi ku dhinteen 2 carruur ah kadib markii uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Isbitaalka Magaalada Baraawe waxaa sidoo kale buux dhaafiyey bukaanno u badan carruur oo uu soo ritay cudurkani.

Dr  Cabdi Cali Muuse oo ka howlgala Isbitaalka Baraawe ayaa u sheegay Goobjoog News in maalintii uu cudurkan  ku dhaco 5, qof oo hor leh ugu yaraan.

Waxa uu sheegay Sidoo kale Dr Cabdi in loo baahan yahay in dadka hadda xanuunsan ay helaan daryeel caafimaad oo aad u sarreeya, maadaama Isbitaalka aanu lahayn dawo dadka ku filan.

Dadka xanuunsan qaarkood waxaa lagu daweynayaa guryahooda maadaama Isbitaalka aanu dawo badan lahayn.

Goobjoog News