U bood dhigaalka

Abaal Marin La Guddoonsiiyey Ardeydii Ugu Sarreysay Imtixaannada Dugsiyada Sare Ee Puntland (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa Garoowe ku qaabilay 13-ka arday ee ugu sarreysay imtaaixaankii dugsiyada sare ee Puntland 2015-2016.

Waxaa ardayda kulankaan ku wehlinayey maamulayaasha Iskuuladdii ay dhiganayeen, waxgarad, iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa abaal marin kala duwan siiyey dhammaan 13-ka arday, waxaana abaal marintu isugu jirtay bilado, lacago Kaash ah iyo sidoo kale gaari.

Madaxweynaha Puntland ayaa ardaygii ugu sarreeyey dugsiyada sare ee Puntland guddoon-siiyey abaal marin ah  gaari  nooca loo yaqaan NOAH ama (NOOHO), waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in u jeedadu ay tahay sidii  kor loogu qaadi lahaa wax-barashada Puntland isla markaana ay ardadu ugu dhiirran lahaayeen in ay tartan u galaan sidii ay guulahaan oo kale u gaari lahaayeen.

C/weli Gaas ayaa uga mahadceliyey ardayda dedaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen dedaalkoodii ay soo wadeen muddada 12-ka sano ah ee wax baranayeen, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyey waalidiintii ardaydaan soo barbaariyey oo garab taagnaa muddadii ay ku guda jireen waxbarashadooda.

Goobjoog News

IMG_1393 IMG_1385 IMG_1384 IMG_1381 IMG_1380 IMG_1378 IMG_1373 IMG_1371 IMG_1368 IMG_1363 IMG_1360 IMG_1357 IMG_1353 IMG_1348 IMG_1344 IMG_1342 IMG_1337 IMG_1327 IMG_1324 IMG_1318 IMG_1314 IMG_1311 IMG_1305 IMG_1297 IMG_1292 IMG_1277 IMG_1272 IMG_1264 IMG_1262 IMG_1258 IMG_1252 IMG_1243 IMG_1242 IMG_1239

Hoos ka daawo sawirada