U bood dhigaalka

Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Degmada Dharkeenley, Muqdisho

Sheeko:War

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, rag ku hubeysan bistoolado ay dilkaasi geysteen, kuwaa oo goobta ka baxsaday.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo badan oo ka tirsan dowladda kuwaa oo halkaasi howlgallo ka sameeyay, balse lama soo sheegin cid ay dilkaasi u qabteen.

Maamulka degmada Dharkeenley oo aynu xiriir la sameynay si arrintaan faah faahin uga bixiyaan waa ay ka gaabsadeen.

Shalay ahayd markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari uu la socday ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, halkaasi oo uu ku  dhintay Hal askari, kuna dhaawacmay Xeer ilaaliye ku xigeeenka.

Goobjoog News