U bood dhigaalka

Bill Gates oo Lagala Wareegay Naaneysta ah Shakhsiga Ugu Taajirsan Dunida

Sheeko:Dalka

Ganacsadaha reer Spain ee  Amancio Ortega ayaa awood u yeeshay inuu hanti ahaan ka sara maro bilyaneerka reer Mareykan ee Bill Gates, isagoo kala wareegay naaneysta ah shakhsiga dunida ugu qanisan, kadib markii hantida Ortega ay gaartay 78 bilyan oo doolar, maalinimada Khamiista iyo Arbacadii Lasoo dhaafay.

Warbixin uu soo daabacay wargeyska caanka ah ee ” Forbes” Jimcihii 9 September ayaa lagu sheegay in hantida milkiilaha shirkadda “Microsoft” ay gaarayso hadda 77.4 bilyan oo doolar, halka hantida Ortega ay gaartay 78 bilyan oo doolar, sidaa darteed shakhsiga dunida ugu taajirsan Arbacada iyo Khamiistii lasoo dhaafay uu ahaa Amancio Ortega, iyadoo isla Jimcihii Bill Gates uu ku soo noqday shakhsiga ugu taajirtan dunida.

Wargeyska ayaa sababta Ortega hormarisay ku sheegay inay tahay, sare kag ku yimid qiimaha saamiyada shirkadda ” Inditex” ee uu Ortega milkiilaha ka yahay.

Isbedelka kolba ku yimaadda shakhsiga ugu taajirsan Adduunka yaa salka ku haya is bedelka qiimaha saamiyada Adduunka oo marka ay kor u kacaan saamiga shirkaddu ay hantida milkiiluhuna kor u kacayso, halka hoos u dhaca saamiga ay keenayso in hantida milkiiluhuna ay  hoos u dhacdo.

Shirkadda “Inditex” ayaa ah shirkad ay hoos yimaaddaan caalamadaha ganacsi ee “Zara”,  “Massimo Dutti”, “Pull & Bear”, kuwaas oo ah ganacsi sumcad weyn ka sameystay dunida oo dhan, sababtuna waa design-ada kala duwan ee shirkadda ee waliba aadka u fiican iyo wax soo saarkooda degdegga ah.

amancio-ortega

Goobjoog News