U bood dhigaalka

Dad Badan Oo La Il Daran Cudurka Jadeecada, Deegaanka Docolley Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya deegaanka Docolley ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in cudurka Jadeecada uu soo ritay dad badan oo ku dhaqan deegaankaasi iyo deegaanno ku dhow, islamarkaana dadkaasi qaarkood waxaa la sheegayaa in xaaladooda tahay mid aad u daran.

Cilmi Axmed Jabuuti oo ah guddoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaan oo tiro ahaan gaaraya 50 ruux laga kala keeenay tuulooyinka ku dhow deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in aysan jirin meel lagu daweeyo dadkaasi, xanuunkana u badan yahay carruurta.

โ€œDadka yar yar ee aan qaan gaarin ayuu cudurkaan u badanย  yahay, xaafadaha ayeey daadsan yihiin, inta badan waxaa laga keenay baadiyaha, qaarkood Cadaado ayaa loo gudbiyey, mana jirto Isbitaal lagu daweynayo dadkaanโ€ ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale Gudoomiyaha deegaanka Docolley ayaa sheegay in cudurka Jadeecada uu Todobaad gudihiisa uu ku faafay, islamarkaana ay haystaan dhisme Isbitaal balse aanay jirin dhaqaatiir iyo dawooyin halkaasi yaalla.

Goobjoog News