U bood dhigaalka

Dawo Yari Ka Jirta Isbitaalka Degmada Guriceel Ee Galgaduud

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka isbitaalka degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa ka hadlay dawo la’aan ka jirta Isbitaalkaasi oo bukaanno badan ku jiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Guriceel Cali Cumar Tarabi ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu ku sheegay in isbitaalka hadda uusan qaabili Karin bukaannadii uu horay u qaabili jiray kuwaas oo ka imaanayay goballo ka baxsan gobalka Galgaduud.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in isbitaalka Istarliin hadda uu kaalmo aan badnayn ka helo hay’ad maxalli ah iyo dadka degaanka.

“Walaalow dadkii bukaannada ahaa ee aan qaabili jirnay iminka ma qaabilno sababtoo ah awood uma lihin sababo la xiriira xagga dawooyinka oo nagu yar” ayuu yiri agaasimaha Isbitaalka Guriceel.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in bukaannada qaar looga keeni jiray Mudug, goballada Koonfureed iyo Itoobiya kuwaas oo Isbitaalka Istarliin ee Guriceel ka heli jiray adeegyo caafimaad.

Agaasimaha Isbitaalkaasi ayaa ku baaqay in kaalmo dawo iyo agab caafimaadba ay codsanayaan in lala soo gaaro.

“Waxaan ku baaqayaa inaan codsanayno gargaar beni’aadanimo sida dawooyin oo kale annaga dawo ma heysanno, mana heli karno oo markii hore hay’addii na caawin jirtay way ka baxday Soomaaliya sanadkii 2012-dii” ayuu yiri agaasimaha.

Isbitaallada ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalkaan Soomaaliya ayaa kaalmooyin kala duwan ka heli jiray hay’adda MSF oo iyadu ammaan la’aan Soomaaliya kaga guurtay.

Goobjoog News