U bood dhigaalka

Dibadbax Looga Soo Horjeedo Dowladda Maraykanka Oo Maanta Ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo(SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu ka soconayo dibadbax ballaaran oo lagu diidan yahay dowladda Maraykanka.

Dibadbaxayaal aad u careysan ayaa maanta socod dhaadheer ku maraya waddooyinka waa weyn ee magaalada Gaalkacyo kuwaas oo ku qeylinaya doonimayno dowladda Maraykanka.

Dad u badan dhallinyaro iyo haween ayaa ka qeyb galaya dibadbaxan looga soo horjeedo dowladda Maraykanka iyagoo ku dhawaaqaya Maraykanka ha dhaco.

Waxaa sidoo kale dadka dibadbaxaya ay dab qabadsiiyeen taayeerro iyo calanka Maraykanka oo dhowr goob oo Gaalkacyo ah lagu gubay maanta.

Dadkan ayaa ka soo horjeeda weerarkii diyaarado dowladda Maraykanka ay ka fuliyeen degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo oo ciidamo ka tirsan Galmudug ay ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Waxay beesha caalamka ka dalbanayaan in baaritaan lagu sameeyo weerarkaasi islamarkaana Maraykanka uu ku qaldamay weerarka halkaas uu ku qaaday.

Dibadbaxa oo weli socda ayaa la sheegayaa in meelaha adeegyada bulshada magaalada Gaalkacyo iyo isu socodka waddooyinka ay gebi ahaanba xiran yihiin.

dibadbax-gaalkacyo-1 dibadbax-gaalkacyo-2 dibadbax-gaalkacyo-4 dibadbax-gaalkacyo-sax

dibadbax-gaalkacyo-1

Goobjoog News