U bood dhigaalka

Gaadiid Sida Shixnado Ganacsi Oo Maalintii Afaraad Ku Xayiran Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maalintii Afaraad ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa xayiraad saaran isu socodka gaadiidka ganacsida sida ee goballada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi isaga gudbi jiray.

Gaadiid badan ayaa ku xaniban Koontaroolka waqooyiga Gaalkacyo kuwaas oo loo diiday inay u gudbaan dhankii ay u socdeen.

Baabuurta ka baxday gobollada dhexe iyo kuwa ka yimid goballada Bari iyo Nugaal ayaa halkaas ku go’doonsan, waxaana ku sugan goobtaasi ciidamo ka tirsan Puntland oo gaadiidka ishor istaagay.

Qaar kamid ah darawallada oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in weli maalintii Afaraad ay baabuurtu ku xaniban tahay magaalada Gaalkacyo.

Waxay sheegeen in arrintaan ay saameyn adag ku yeelatay howlahooda, islamarkaana laga diiday inay u gudbaan magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale oo ay ku sii jeedeen.

Dhanka kale, waxaa jirta baabuur shixnado ganacsi sida oo ka yimid gobalka Bari kuwaas oo u soo jeeday goballada dhexe sida Galgaduud iyo Hiiraan hase yeeshee halkaa ku xaniban.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Kowda bishaan aysan jiri doonin baabuur ganacsi oo isaga kala gooshi doonta Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, taasna ay caqabad ku noqotay maalmahan ganacsiga dad badan oo arrimahaa shaqo ku lahaa.

Goobjoog News