U bood dhigaalka

Garoowe: Haweenka Qaba Cudurka Isku Furanka Oo Lacag La’aan Lagu Daweynayo

Sheeko:Caafimaadka

Maanta Arbaco ah waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal gaaray dhaqaatiir Ajaaniib ah kuwaasi oo la sheegay in howlo caafimaad ah ay ka fulin doonaan Isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Dhaqaatiirtaan ayaa si gaar ah la sheegay inay u daweyn doonaan haweenka uu ku dhacay cudurka isku furanka sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Garoowe.

Agaasimaha Isbitaalka Garoowe C/samad Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si lacag la’aan ah hooyooyinka Soomaaliyeed howshaan loogu qaban doono.

“Hooyooyinka Soomaaliyeed ee la nool cudurka isku furanka ayaan ugu talo galnay inay ka faaa’ideystaan qalliinka ay sameyn doonaan dhaqaatiirtaan ajaanibta ah, mana jirto cid lacag laga qaadayo, dhammaan waa lacag la’aan, waana fursad mar walbo aan la helin oo annaga hadda nasiib u yeelannay” ayuu yiri Agaasimaha.

Dhawaan ayaa wasaaradda caafimaadka ee Puntland waxay shaacisay in la billaabi doono qaliin caafimaad oo haweenka looga daweynayo isku furanka islamarkaana lacag la aan ah, iyadoo ay jiraan haween badan oo Garoowe u tagey sidii cudurkaasi looga daweyn lahaa.

Goobjoog News