U bood dhigaalka

Hala Seexan Mobillada

 Dad badan ayaa noolaan kadrin Mobil la’aan, qof kasta waxaa uu jecel yahay in uu wehel ka dhigto, haddii aad la seexan jirtay Mobil akhri qodobdkan si aad u ogaado dhibaatada uu leeyahay.

Codka Mobilka: Waxaa dhici karta in qofka uu ku soo kaco codka, gariirka ama Mobilka dhawaaq uu sameeyay, waxaa kaloo jira in aad ka fakiri karo amaa dhacaa ama Mobilkaadii qiimaha badnaa uu jabaa.

Iftiinka: Ma fududa in qofka uu hurdo isagoo iftiinka uu shidan yahay, sidaa darteed waxaa haboon in Iftiinka laga fogaado gaar ahaan Mobillada, waxaa haboon in la iska damiyo iftiinka ama la iska fogeeyo.

Fakir: Dadka qaar waxaa ay Mobillada ka qaadaan riyo xun, haddii aad hururo adigoo Chating ku jira, waxaa la socon doontaa fariimaha laguu soo diray xitaa adigoo hurdaya.

Mowjadaha: Waxaa hubaal ah in dhibaatada ugu weyn ee Mobillada aanay habooneyn, waxaana soo baxaya in Mowjadaha ay dhibaato ku tahay qofka, sidaa darteedna lagu taliyaa in la iska fogeeyo.

Smartwatches: Waxaa jira Saacado badan oo ka kiciya dadka, sidaa darteed iska fogee Mobilka.