U bood dhigaalka

JABOUTI: Kireynta Saldhigyada Milatari ee Dalalka Shisheeye oo ah il Dhaqaale oo aad Muhiim u ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Jabouti waa dowlad ku fadhida dhul badkiisu yahay  23kun oo Km2,  dadkeeduna waxa uu ku dhaw yahay 830 kun oo qof, waxaase saldhigyo ku leh Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Japan, waxay ku taallaaa dowladdan yari wado badeed  muhiim ah oo ay  iskaga kala gooshaan maraakiibta gacansiga dunida waana Bab al-Mandab.

Dowladaha dunida ayaa ku hardamaya iney ka sameystaan dalka Jabouti saldhigyo milatari, waxayna  daneynayaan meesha ay ku taallo oo ah goob istiraatiiji oo ah waliba xeebta bari ee marinka “Bab al-Mandab”, kaas oo isku xira badda Cas iyo Badda Carabta.

Sucuudiga, China ayaa iyaguna doonaya iney saldhigyo ka sameystaan dalka Jabouti, iyadoo dalal badan oo kale ay  isha ku wadahayaa dowladdan oo ah wadada gacansiga bariga Afrika dekedeheeda marka la eego waxay ku yaallaan goob istiraatiiji,  waxayna deegaan  fiican u tahay dowladaha daneeya xaaladaha dalalka Yemen iyo Soomaaliya.

Saldhigga  “Lemonnier” ee dalka Mareykanku ku leeyahay dalka Jabouti waxaa ku nool 4 kun oo askari, waxaa la aasaasay 2001,  saldhiggan ayaa dantii ayaa dantii loo furay waxay ahayd in lagu xoojiyo  joogintaan Mareykanka ee  geeska Afrika, waxa uu saldhiggan si gaar ah ugu adeegaa howlaha la dagaalanka argagixisada ee laga fulinayo gudaha Soomaaliya iyo Yemen.

Saldhiggan oo ku yaalla meel u dhawo Airportka caalamiga ah ee dowladda Jabouti, waxaa kale oo uu qabtaa tababar siinta ciidamada howlgallada gaarka ah ee Afrika, sandkii 2014 ayaa mar kale, heshiiska kirada dhulka saldhigga dib loo cusbooneysiiyay  oo Toban sanno oo dheeraad ah loogu kordhiyay,  iyadoo mudadaa dhulka looga kireeyay 63 milyan oo dollar sanadkii.

Saldhigga Faransiiska; Marka aan eegno saldhigga Faransiika ee dalka Jabouti isna waa saldhigga labaad ee ugu xooggan ka dib Mareykanka, waxaa kale oo lagu tiriyaa inuu saldhigani yahay kan ugu wakhtiga dheer dalka Faransiiska marka loo eego qaaradda Afrika, saldhiggan ayaa 100 sanno u furan dalka Faransiiska, waxaa daggan 900 ciidan faransiis ah, sanadkii waxay bixiyaan 34 milyan oo dollar oo ah kirada dhulka saldhigga.

Dalka Japan ayaa isna saldhigga ay Jabouti ku leeyihiin u yahay kan kaliya ee ay ku leeyihiin dunida inteeda kale, waxaa la dhisay 2011, waxaa daggan 600 ciidan ah, waxaana laga qaadaa kiro dhan 30 milyan oo dollar sanadkii.

Talyaaniga, ayaa  sidoo kale isna waxa uu saldhig ku leeyahay dalka Jabouti, waxaa la aasaasay sanadkii 2013, waxa uu saldhiggani qaadi karaa 300 oo askari, waana saldhigga kaliya ee Talyaanigu ku leeyahay meel ka baxsan xuduudda dalkiisa, waxa uu saldhiggani  caan ku yahay magaca “Xarunta hawlgallada Logistics”, waxa uu dhulkaasi ku kireysan yahay 34 milyan oo dollar sanadkii, hadda saldhiggan waxaa ka howlgala 90 askari oo kaliya.

China ayaa dhamaadkii sanadkii hore waxay heshiis la gaareen dowladda Jabouti kaas oo ku saabsanaa in loo ogolaaday saldhig ay ka sameystaan dalka Jabout, waxa uu noqonayaa saldhiggii ugu horreeyay ee meel ka baxsan dalkooda ay ka dhistaan, saldhiggan ayaa la  furayaa 2017, waxaa ka howlgali doona ugu yaraan 10, 000 oo askari, sand kasta 20 milyan oo dollar ayaa ay bixin doonaan kirada dhulka, waxa uuna heshiiskaaasi soconayaa muddo 10sanno ah.

Sucuudiga; dowladda Sucuudiga ayaa iyaguna dhankooda ku talo jira iney saldhig ka sameystaan dalka Jabouti, dalka Sucuudiga ayaa dano ka leh dalka Yemen sidaa darteed waxa uu aad ugu baahan yahay saldhigaa muhiimka u ah howlgaladiisa dhanka Yemen.

Safiirka Jabouti u fadhiya dalka Sucuudiga Dya-Eddin Said Bamakhrama, ayaa bishii March ee lasoo dhaafay  waxa uu sheegay in waddankoodu uu  heshiis ay la gaarayo dowaldda Sucuudiga si saldhig milatari ay uga furtaan Jabouti, kaas oo ku qotoma iskaashiga labada dhican, ayuu yiri safiirku.

Laga so bilaabo 26 March-dii sanadkii hore ayaa isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ay duqeymo iyo howlgallo ka wadaan dalka Yemen kuwaas oo lagu taageerayo sharciyadda dowaldda dalkaas, loogana soo horjeedo Xuutiyiinta, iyagoo dalka Yemen ku galay codsi ay ka heleen madaxweynaha dalkaas ee Abed Rabbo Mansour Hadi.

Kireynta saldhigyada ciidamada shisheeye dalka Jabouti waxay u tahay il dhaqaale oo aad u muhiim ah waxaana sanad kasta ka soo gala dowladda lacago ku dhow 160 Milyan oo dollar.

Goobjoog News