U bood dhigaalka

Ku Dhowaad 10 Qof Oo Ku Geeriyootay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Iidaale ee gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa Booliiska gaarka ah ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ku dhowaad 10 qof oo la sheegay iney isugu jiraan dhinacyadii dagaallamay.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in dagaalkan uu ahaa mid xooggan islamarkaana rasaas culus la isku adeegsaday.

Saraakiisha amniga gobolka Baay weli wax faah faahin ah kama aaney bixin dagaalladaasi,  sidoo kalena Al-shabaab dhankooda weli war ma aaney soo saarin.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahan dambe waday qorsheyaal uu ku doonayo in Al-shabaab kaga saaro gobolka Baay.

Goobjoog News