U bood dhigaalka

Maraykanka Oo Baaritaan Dhab Ah Ku Sameynaya Duqeyntii Mudug

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale ka hadashay duqeyn ay ciidankeeda ka geysteen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidanka maamulka Galmudug State.

Wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan in duqeyntaasi lagu dilay askar Galmudug ah iyo in kale.

Xoghayaha Gaashaandhigga dowladda Maraykanka Ashton Carter ayaa sheegay iney baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan duqeyntii Jeexdin, ayna jawaab kama dambeys ah ka bixin doonaan duqeyntan haddii ay ciidan Galmudug ah ku dileen iyo in kale.

Ashton Carter isagu ma aanu kala sheegin in weerarka dadka ku dhintay yihiin Al-shabaab ama ciidan Galmudug ah, balse wuxuu tilmaamay in maalmo gudahooda kusoo dhammeyn doonaan baaritaanka, kadibna ay jawaab ka bixin doonaan.

Maraykanka ayaa hadalkii ugu horreeyay ee uu ka sheego duqeynta Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug wuxuu ku sheegay iney ku dileen rag ka tirsan Al-shabaab.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyana dhankeeda ka hadashay duqeyntan waxay sheegtay in ciidan ka tirsan maamulka Galmudug lagu dilay weerarkaasi, iyadoo Maraynkanka hadda looga fadhiyo jawaab ku aadan arrintaasi.

Weerarkaan lagu laayey ciidanka Galmudug ayaa dhacay habeen shaq dhexe, waxaana fuliyey ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale diyaaradaha dagaalka Maraykanka.

Goobjoog News