U bood dhigaalka

Puntland Oo Sheegtay In Isbedal Amni Uu Ka Jiro Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka maagaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in isbedal amni buuxa uu ka jiro magaaladaasi, wixii ka dambeeyay markii deegaannada Puntland loo diidey iney ka gudbaan gaadiidka ka taga gobollada Koonfureed.

Maxamed Yaasin Tumey oo ah duqa Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in magaaladaasi gaar ahaan dhanka Waqooyiga kasoo kabaneyso saameyntii ay reebeen qaraxyadii dhowaan Gaalkacyo ka dhacay.

“Magaalada Amnigeeda aad buu usoo hagaagayaa, gadiidkii la kala xadeeyay wax badan bay soo kordhiyeen, amni ahaan hadda Gaalkacyo waa la isku haleen karaa, midda kale degmadu waxay kasoo kabaneysee qaraxyadii ka dhacay, dadka Gaalkacyo wax weyn bay ka dareemeen kala wareegga gaadiidka iyo in la ogaado cid walbo oo amniga wax u dhimeysa” ayuu yiri Tumey.

Dhinaca kale mar uu duqa Gaalkacyo ee Puntland ka hadlayey qorshooyinka horumarineed ee magaalada ka wadaan ayuu sheegay in hadda la wado dib u dhiska xarumihii danta guud ee ku burburay qaraxyada, dhisme ay dhowaan ku billaabi doonaan waddooyinka Gaalkacyo iyo sidoo kale in dhir beeris ay ku sameeyaan waddooyinka.

Gaalkacyo waxaa kala maamula Puntland iyo Galmudug State, inta badan waxay magaaladaasi dhibane u tahay Labada dhinac oo aan weli dhammaan xiisadaha u dhaxeeya.

Goobjoog News