U bood dhigaalka

Qudaarta Qaar Oo Qiimaheedu hoos u dhacay Suuqyada Muqdisho

Sheeko:War

Suuqyada lagu iibiyo qudaarta ee magaalada muqdisho ayaa xiligan waxaa ka muuqanaya hoos u dhac ku yimid qiimaha la kala siisanyo qaar kamid ah quadaarta wallow qeybo kale oo qudrada kamid ah haatan qiimahoodu uu yahay mid sareeya.

Wali qudaata aan sal dhigan ee sara u kaca laga dareemayo qiimahooda waxaa ka mid ah muuska qaraha iyo liin balbeelmada oo ka mid ah qudarada sida aadka ah dadku ay u isticmaalaan.

halka xabo ee muuska ah ayaa suuqyada muqdisho waxa uu xiligan ka maryaa lacag dhan 4-5kun oo shilinka soomaaliga ah taa oo keentay in uu hoos u dhac balaaran ku yimaado sidii dadku ay u iib san jireen xiligii uu raqiiska ahaa

leylo xooshey oo kamid ah ganacstada qudaarta ku iibisa suuqa dagmada xamrweyne ayaa sheegtay in haatan sara u kaca ka jira muuska, babaayga iyo qarha in  ay saameyn ku yeelatay iibkoodii.

Waxa ay xustay in sidii hore ay dadku u iibsan jireen muuska iyo babaayga aysan u iibsan hada madaama qiima hoodu uu noqday mid aad u sareeya.

Dhanka kale, qudaarta cagaaran ayaa qiimoheeda hoos u dhac laga dareemaya, waxaa kamid ah yaanyada, ansalaatada, bagalka iyo limo dhanaanta waxaana xiligan ay yihiin kuwa si aad ah u soo galaya suuqyada Magaalada Mouqdisho.

Mudooyinkii la soo dhaafay waxaa sara u kac xooggan laga dareemayay qiimaha la iibiyo qudaarta nuucyadeeda kala duwan iydoona sara u acaasi si aada ah ay cabsho uga muujiyeen dadka danta yare e ku nool caasimadda Soomaaliya ee muqdisho.

Qudaarta ayaa hadda ka soo kabaneysa saameyntii ay reebeen biya yarayntiii wabiga shabeele taa oo dhalisay in gabi ahaanba ay qallalaan beero badan oo ay ku yaa leen  qudaar badan.

marka laga soo tago qeybaha sara u kaca laga laga dareemyo waxaa guud ahaanba hoos u dhac uu ka muuqanayaa sicirka qudaata waxaana haatan suuyada muqdiho si isdaba joohg ah u soo gaaraya qudaar badan oo ka imaanaysa beerha goblada shabeelada hoose iyo shbeelaha dhaxe.

Goobjoog Business