U bood dhigaalka

Sanduuqa Fursad Fund Oo Shaqo Abuur u Sameeyay 20 Haween Ah (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Sanduuqa Fursad Fund oo ah sanduuq loogu talogalay in shaqo abuur loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay horgeliyey mashruuca Kaamilo, kaasi oo shaqooyin loogu abuuray Haweenka Soomaaliyeed.

20 Haween ah oo laga soo xulay degmooyinka Muqdisho ayaa markii ugu horreysay kafaaa’ideystay Mashruuca Kaamilo, kuwaasi oo loo qabtay tabobaro ganacsi sidoo kalena la siiyey lacago deyn ah oo ay ku shaqeystaan.

Mashruucan ayaa lagu doonayaa in maalgelin lagu siiyo ugu yaraan 700 oo haween Hal-abuurnimo leh sida uu Goobjoog News u sheegay Ismaaciil Faarax oo ah isku duwaha barnaamijyada Sanduuqa Fursad Fund.

“Waxaan rumeysanahay haddii haweeney leh halabuurnimo ganacsi la siiyo fursad maalgelin, in aay awoodi doonto in ganacsigeeda ballaariso islamarkaana ay kafaalo qaado nolosha qoyskeeda, carruurtana ay waxbarasho u dirsan karto, mashruucan hadafkiisu waa in uu taageero oo uu fursado maalgelin ah siiyo ugu yaraan 700 oo haween hal-abuurnimo leh”

Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca Kaamilo uu hadafkiisu yahay dhiirogelin, taageerid islamarkaana lagu xoojiyo ganacsiga haweenka.

“Waxaan abuurnay mashruuca Kaamilo kaas oo hamigiisu yahay in uu dhiirageliyo, taageero isla markaana uu xoojiyo ganacsiyada haweenka isagoo siinaya lacago deyn ah 10 haween oo hilib ariga ka ganacsada ayaan usoo xulanay in ay mashruucan ka faa’ideystaan kuwaas oo helaya tababaro iyo lacago deyn oo maalgelin ah”

Wadarta guud ee lacagta haweenka loo siiyeey iney ku shaqeystaan ayaa noqoneysa 10 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Sanduuqa Fursad Fund ayaa soo wada mashaariic kala duwan oo la doonayo in laga higeliyo magaalooyinka Kismaayo, hargeysa iy Baydhabo kuwaa oo lagu maalgelinayo haweenka Soomaaaliyeed iyo dhallinyarada.

Hoos ka arag sawirada

f1 f2 f3 f4 f5 f6

Goobjoog News