U bood dhigaalka

Ugu Yaraan Labo Qof Oo Lagu Dilay Jowhar Halka Afar Kalena Lagu Dhaawacay

Sheeko:Dalka

Labo ruux ayaa lagu dilay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaas oo ahaa ciidamo waxaana dilalkaasi ay dhaceen xalay.

Warar lagu kalsoon yahay oo Jowhar ay ka heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in labada nin ee la dilay ay ka kala tirsanaayeen nabad sugidda dowladda iyo ciidanka madaniga ee degmada, islamarkaana dilka ay geysteen xubno ka tirsan Booliska isla dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in afar kale ay dhaawacan yihiin oo oo isugu jira carruur iyo haween kuwaasoo dhaawacooda la dhigay isbitaalka dhexe ee magaalada Jowhar.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog u sheegay in dilalka loo geystay labada nin ay daba socotay rasaas ay fureen raggii weerarka geystay kadibna waxaa dhacday in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen afar qof oo shacab ah.

Qaar kamid ah dadkii aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in arrintani ay salka ku heyso xashiish iyo walxo kale oo muqaadaraad ah.

Dilalkani kadib ayaa magaalada Jowhar waxay gashay xaalad fowdo ah waxaana billowday dibadbax ay dhigayaan dadka magaalada deggan oo ka careysan waxa magaaladaasi ka dhacay.

Dibadbaxayaasha ayaa saaka arroortii hore isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee Jowhar iyagoo codsanaya in dadkii falkaasi ka dambeeyay cadaaladda la horkeeno.

Goobjoog News