U bood dhigaalka

Xildhibaan Xaaf: Dowladnimo Soomaaliya u Dhismeysaa Ma jirto Haddii aan La Iska Dhaafin Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Cabdullaahi Geelle Xaaf oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka dayriyay dhismaha dowlad lagu hanweyn yahay oo dalku yeesho inta caqabadda aqalka sare ee Baarlamaanku ay jirto.

Xidhibaanka oo aan la yeelanay wareysi ku aaddan dib u dhacyada doorashada oo dhowr jeer dib loo riixayay, ayaa tilmaamay in dib u dhacyada uu u aaneynayo Saddex arrimood oo u baahan in xal laga gaaro.

Tan koowaad waxa uu ku sheegay iney tahay odayaashii dhaqanka oo kaalintoodii la xaqiray, go’aankii ay la haayeenna lala wadaagayo:

“Soomaaliya sidaad ogtahay dowladd markii la yiri haloo dhiso, waxaa lagu dhisay Cartay 3kun oo qof oo ergo ah ayaa meeshaa joogtay, go’aanka ergadaasi waxa uu ka weyn yahay dowladda iyo dastuurka kulli waa ka horreeyay, waa wixii ay ku yimaadeen ee keenay, go’aankaasi waxa uu ahaa Soomaaliya illaa One Man One Vote(Qof iyo Cod) laga helaayo in aan la bedelin habka 4.5, sida ay ku imaanayaanna ay tahay odayaasha iyo salaadiinta oo beel walba sidii la qoondeeyay iyagu intey wax qeybsadaan ay keenaan, waxaad moodaa wixii in corruption(Musuqmaasuq) lagu sameeyay ka dib markii la yiri doorasho dadban oo 51 ah ha la keeno oo 51 kaas ha doortaan, ma xuma laakiin waxay ihaano ku tahay salaadiinta naftarkooda oo dadkii ay dooran lahaayeen oo dadkooda ay kala soo dhex bixi lahaayeen dhinac kale ayaa lala aaday, waxaad moodaa awoodoodii in la qeybiyay oo aaney sidii hore wax u xulli karin”.

Midda labaad oo ah xagga nabadgalyada ayuu xildhibaanku rajo xumo ka muujiyay in degaanada qaar ay nabadgalyadoodu xun tahay, in la dagaana ay adkaaneyso, in doorasho lagu galaana aaney suurtogal ka ahayn.

Waxa uu xildhibaanku ka hadlay aqalka sare oo uu yiri waa caqabadda hadda ugu weyn ee hortaagan dowladnimada Soomaaliya:

“Dhibta hadda jirtaa ma aha aqalkii hoose iyo baarlamaankii hadda jiray, dhibta jirtaa waa aqalka sare oo meel uu ka yimid iyo sida uu yahay aan is leeyahay fikrad Soomaaliyeed iyo aqli Soomaaliyeed midna maaha, guurti waa la yaqaannaa oo shaqey leeyihiin gobolladey ka socdaan, arrimaha siyaasadda iyo hadday xumaadaanna way dhex galaan, laakiin tan macnihiisu waxa weeyaan baarlamaankii ayaa 54 lagu daray macnuhu waa saas, sharciyaddii iyo wixii la sameystayna ay iyagu jabiyaan, dowladda Soomaaliyeed oo dhismeysaa ma jirto haddii aan aqalkaa laga waantoobin oo aan la iska deyn”.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa mar kale ku dhawaaqay in doorashadii Soomaaliya ay dib u dhacday illaa 30 November oo ah wakhtiga la soo gabagabeyn doono doorashooyinka tan madaxweynahana la gali doono.

Goobjoog News