U bood dhigaalka

Soomaaliya: Trump Oo Ogolaaday Qorshe Dagaal Oo Rayidka Wax Ku Noq Karaan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegayaa in uu ansixiyay qorshe lagu xoojinayo dagaalka iyo howl-gallada ay ciidamada Mareykanka ka wadaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka Al-shabaab.

Labo arrin ayaa ugu muhiinsan qorshaha uu saxiixay Trump:

  1. In Ciidamada Mareykanka ay qaadi Karaan weerar iyo howlgallo dhulka Ah, iyda oo ay wehliso duqeyntii cirka aheyd.
  2. In ay Dhici karto waxyeello soo gaarto dadka rayidka ah, Ogolaashiyaha in la bartilmaameedsado rayidka wa siyaasad cusub oo Trump leeyahay.

Qoraalkan waxaa kaloo lagu sheegay in la taageerayo AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya, laakin lama sheegin qaabka.

Mareykanka waxaa uu howlgallo ka fuliyaa wadamo badan sida Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya, dilka rayidka ee ciidamada Mareykanka ka geystaan dalalkaan ayaa waxaa su’aalo ka keenaya hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya waxaa ka jira dowlado aan tabar laheyn oo sidii la rabo laga yeelo, lagamana tashto duqeymaha, sidoo kale dadka rayidka ah ma laha wax magdhaw ah, waxaa tusaale ah dilkii loo geystay doon ay saarnaayeen dad qaxooti ah oo lagu laayey agagaarka xeebaha Yemen.

Goobjoog News