U bood dhigaalka

Somaliland: Baarlamaanka Oo Codka Kalsoonida Ah Siiyey 11 Wasiir (Magacyada)

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen golaha wasiirada ee Somaliland ayaa codka kalsoonida ah waxay ku siyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda cusub ee Muuse Biixi.

61 mudane oo kulanka soo xaadirtay ayaa codka kalsoonida ah siiyey 9 wasiir iyo Labo ku xigeen, iyaga oo kahorna ka dhageystay warbixinno ku aadan waxay qaban doonaan.

Magacyada Wasiirada la ansixiyay

Maxamed Cabdi Yuusuf, Wasiirka horumarinta maaliyadda

Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiirka horumarinta waxbarashada iyo Sayniska

Hinda Cabdi Gaani, Wasiirka arrimaha bulshada iyo shaqo gelinta

Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirka diinta iyo awqaafta

Cabdirashiid Xaaji Ducaalle Qambi, wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyeynta

Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka

Saleebaan Cali Koorre, Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha

Axmed Muumin Seed, Wasiirka horumarinta beeraha

Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

Wasiir ku xigeenno.

Yurub Abiib Cabdi, wasii ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga

Maxamed Muuse Abees, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta

Goobjoog News