U bood dhigaalka

Somaliland: Deegaanka Hudusa oo Ardaydu ay Wax Ku Bartaan Geedaha Hoostooda

Sheeko:Dalka

Dadka  deegaanka Hudusa oo ka tirsan degmada Berbera  ayaa ka cabanaaya dayac ka haysta adeegyada waxbarashada iyadoo ardayda deegaankaasi wax ku barata Geedaha hoostooda.

Ardayda dhigata waxbarashada aasaasiga ah ee ku nool magaalada Hudusa  ayaa sannado badan waxay waxbarashadooda aasaasiga ah ku soo wadeen geedo hoostood oo ay wax ku bartaan, madaama dadka deegaanku u awoodi waayeen fasallo dhismo ah oo ay wax ku bartaan .

Guddoomiyaha  Hudusa oo ka sheekeeyey baahida ay ardaydaasi u qabaan iney helaan goob u diyaarsan waxbarasho ayaa xusay in ardaydu ay waxbarashada fasax ka galaan mararka qaar bilo dhan gaar ahaan xilliyada roobabka,  “ Waxaanu qabnaa baahiyo  badan oo waad dareemi kartaa arday waqtigan jooga  oo waliba ka war qaba dunidu halkay waxbarasho iyo horumar ka gaartay,  dhawaan waxaanu galnay fasax dheer ka dib markii  roobab deegaanka ka curteen illeen lama dhigan karo waxbarasho arday geed hoos fadhiyaa” ayuu yiri guddoomiyaha  Hudusa Axmed Muxumed Saliim.

Ardaydan oo tiradoodu labo boqol ka badan tahay, ayaa waxay hoos fadhiyaan oo ay wax ku bartaan geed aan har badan lahayn,  halkaasi ayeyna gabdho iyo wiilalba wax ku wada bartaan, waxayna  mar ay la hadleen warbaahinta codsadeen in wax laga qabto baahidooda waxbarasho oo loo dhiso goob ay wax ku bartaan.

Macallimiinta  wax ka dhigta geedkaasi hoostiisa ayaa sidoo kale waxay dhibaato  ku tilmaameen xilliyada ay dabayluhu soo dhacaan iney hakad gasho waxbarashada,  Macallin Axmed Cali  ayaa yiri ” markaad cidlo fadhido wax kasta waa kugu caqabad  markaasi dabaysha oo deegaankan aad uga dhacda ayaa  caqabad nagu noqotay waqtiyo badan “.

Deegaankan baahida waxbarasho ka taagan tahay  oo dhanka bari ka xiga magaalada Berbera 40 KM, ayaa magaalada Barbara tahay goobta ugu weyn ee dhaqaalaha Somaliland ka soo xaroodo  waxyana dadka deegaanku arrintaasi ku xoojiyeen cabashadooda oo ay is xasuusiyeen.

Goobjoog News