U bood dhigaalka

Somaliland Iyo Imaaraadka Oo Si Rasmi Ah u Saxiixay Heshiiskii Berbera

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Abu Dubai waxay si rasmi ah ugu kala saxiixdeen heshiiskii bebera ee muranka badan dhaliyey.

Heshiiskan oo ka kooban Lix qodob ayaa waxaa kamid ah in dowladda Imaaraadka ay saldhig milatari ka furato garoonka Berbera, islamarkaana ay dhisto garoon cusub oo diyaaradaha shacabka kasoo degaan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo heshiiskaasi dhanka maamulka u saxiixay ayaa sidoo kale waxa uu aqriyey qodobada heshiiska, kuwaasi oo kala ah:

  • Somaliland oo ogolaanshi siisay in ciidamada Isku Tagga Imaaraadka Carabta Isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera
  • Dowladda Imaaraadka oo ka dhisi doonta Madaar cusub oo ku yaalla magaalada Berbera oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka, taasi oo micnaheedu yahay in Berbera yeelan doonto Labo Madaar, Jidka isku xira magaalooyinka Berbera iyo Tog wajaale ayeey Imaaradku dhisi doonaan.

Imaaraadka ayaa sidoo kale fulin doona mashaariic la xiriirta biyaha, Tamarta, caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana mashaariicdaasi la fulin doonaa 3-sano ee soo socota.

 

  • Dowladda Imaaraadka oo suuqayadeeda shaqo u furi doonta muwaadiniinta Somaliland
  • Dolwadda Imaaraadka waxay taageeri doontaa shirkadaha maalgashiga ee imaaraadka, ayna maalgashi ku sameeyaan Somaliland
  • Dowladda Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca ammaanka.
  • Wuxuu heshiiskani albaabo cusub u furi doonaa Somaliland iyo beesha caalamka.

Ugu dambeyn waxay Labada dhinac islagarteen in dowladda Imaaraadka ay gargaar degdeg ah gaarsiiso abaaraha.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi goobjoog ka ahaa ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in heshiiskan danweyn ay ugu jirto Somaliland, islamarkaana waxbadan ay ka faa’idi doonaan.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Imaaraadka ayaa ahaa mid dhaliyey muran aad u xooggan, iyadoo dowladda Federaalka ay horey u dalbatay in Imaaraadka ay arrintaasi ka fiirsato.

Goobjoog News