U bood dhigaalka

Somaliland iyo Khaatumo Oo 5 Qodob ku Heshiiyay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa waxay sheegayaan in heshiis ka kooban Shan qodob ay goor dhow magaaladaasi ku kala saxiixdeen Maamullada Somaliland iyo Khaatumo.

Qodobadan waxaa labada dhinac u kala saxiixay mas’uuliyiinta u kala hoggaamineysa wadahadallada Labada dhinac.

Qodobada lagu heshiiyey:

  1. Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
  2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
  3. In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
  4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
  5. In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay

Heshiiskana waxa si wada jir ah u saxeexay Gudoomiyaha guddida wada hadalka khaatumo ee somaliland Dr. Sacad Cali Shire ahna wasiirka arimaha dibada somaliland iyo Gudoomiyaha Weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ahna gudoomiyaha maamulka khaatumo ee Baarlamaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News