U bood dhigaalka

Somaliland Iyo Khaatumo Oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub

Sheeko:Dalka

Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa  mar kale waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhowr qodob, kaasi oo daba socda heshiisyadii ka dhacay Jabuuti iyo Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo saxaafadda la hadlay ayaa akhriyey qodobada ay Labada dhinac ku heshiiyeen, waxaana heshiiskaan dhanka Somaliland u saxiixay Madaxweyne Siilaanyo

Qodobada lagu heshiiyey:

In la helo cadaalad, sinnaan iyo nabad ku wada noolaanshiyo

In la ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland

In Khilaaf walbo oo jira lagu dhameeyo wadahadal iyo jid nabadeed

In la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshiyaha

In dib loo furo Dastuurka si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalad iyo sinnaan

In la qarameeyo ciidamada Khaatumo

In Somaliland iyo hay’adaha deeqda bixiya ay si mid ah uga howlgalaan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle

Maamulka Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galeyr ayaa muddooyinkaan dambe wadahadal kula jiray maamulka Somaliland, iyagoo kula heshiiyey qodobo u muuqda kuwo ay kula midoobayaan maamulkaasi.

Goobjoog News