U bood dhigaalka

Somaliland: Ma Aqbaleyno Macaawino Nooga Timid Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cusmaan Cabdullahi Saxardiid oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Hargeisa ayaa sheegay in Somaliland aaney aqbaleyn mucaawino uga timid Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyay in sifada loo soo maray ay tahay mid qaldan.

Wasiirka oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Shirkii golaha wasiirrada oo tirsigiisu ahaa 220, uuna guddoominayey madaxweynaha Somaliland Axamed Maxamud Silanyo , waxaa ka soo baxay golaha wasiirada dhowr qodob, Waxaa la guddoomiyey oo ka soo baxay golaha wasiirrada in aan la aqbalin lacagta $200,000 ee dowladda tiri waxaan ugu deeqnay maamullada Soomaaliya oo aaney jamhuuriyadda Somaliland ka mid aheyn”

Saxardiid oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal jira oo madaxbanaan, waxaa kale uu intaa ku daray in Somaliland ka jirto qorhshe ka soo kabasho abaaraha, laguna uruurinayo 10 Milyan oo Dollar, lacagtaas uu sheegay in 3 milyan la hayo, 4 milyan oo ku deeqeen dalka Imaaraadka.

Goobjoog News