U bood dhigaalka

Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedeyn Kaga Timid Puntland

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa iska difaacday eedeyn kaga timid Puntland oo ku aaddan in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Cismaan Saxardiid Caddaani oo Goobjoog ay arrintani wax ka weydiisay ayaa gaashaanka u daruuray eedaha Puntland kaga yimid, wuxuuna ku sheegay kuwo aan laga fiirsan.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ku dadaalayso nabadgalyada gobolka islamarkaana aynaan jirin wax xiriir ah oo ay la leedahay waxa loogu yeero argagixisada.

Waxaa uu taas bedalkeeda wasiirku sheegay in Al-shabaab la garanayo meelaha ay ka yimaadaan oo aynaan waxba ka jirin wararka Puntland ka soo yeeray.

“Somaliland waa la ogyahay sida ay ugu dabajirto argagaxisada, meel walbo oo laga sheego kama harno illaa aan ka ciribtirno, waanu ka xunnahay hadalka ka yimid Puntland, balse waxaan idiin sheegayaa inaan sidoo kale ka xumaannay dhibaatadii loo geystay Puntland weerarkii Bari, waanu cambaareynay, meelaha la sheegay in argagaxisadu joogtana waa waxbo kama jiraan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay Goobjoog News, ayaa Somaliland ku eedeeyay iney xiriir la leedahay Al-shabaab.

Goobjoog News